UK oo qabaneysa shir ku saabsan Abaaraha

UK-RisaalaFM- Shir looga hadlayo arrimaha ammaanka Dalka Soomaaliya iyo Abaaraha ayaa Bisha May waxa uu ka furmi doonaa gudaha Magaalada London ee Dalka Britain, sida ay sheegeen Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda UK.

Nicklos Kay Danjiraha Dowladda Britain , ayaa sheegay shirkan in si gaar ah xoogga loogu saari doono wax ka qabashada Abaaraha baahsan ee ka taagan qeybo ka mid ah Dalka.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay Abaarta Soomaaliya in ay tahay mid baahsan loona baahan yahay in wax laga qabto, si aysan ugu fidin Degaano iyo Degmooyin cusub, taasina ay dadaal dheeraad ah ku bixineyso Dowladda Ingiriiska.

Kay ayaa sheegay in dad badan ay u dhinteen gaajo iyo haraad, kuwa kalena ay hada qarka u saaran yihiin geeri, isagoo sidoo kale ku baaqay wax qabad deg deg ah si loo badbaadiyo Malaayiinta qof ee ay Abaarta saameysay.

Ugu dambeyntii Danjiraha Dowladda Britain ee Nicklos Kay ayaa sheegay shirkan in lagu soo hadal qaadi doono ammaanka Soomaaliya iyo Howlgalka AMISOM, iyo sidii wax looga qaban lahaa weerarada mararka qaar Shabaab ay ka geystaan Magaalada Muqdisho.