Wararka naga soo gaaraya Degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan ayaa waxa ay kusoo waramayaan in saaka halkaasi lagu dilay wiil uu dhalay gudoomiyaha Al-Shabaab ugu magacaaban degaanka Moqokori ee gobolka Hiiraan.
Dilka ayaa waxaa geystay nin ka mid ah Maleeshiyaadka degmada , waxaana la sheegay in wiilka la dilay uu ku xirnaa xabsiga , islamarkaana loo haystay fal ah in uu yahay Al-Shabaab.
Taliyaha Ciidanka Saldhiga degmada Maxaas Bishaar Faarax ayaa sheegay in falkaasi uu ahaa mid laga naxo , islamarkaana ay ka xun yihiin in la dilo nin ku jira xabsiga.
Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in ay gacanta ku hayaan ninkii dilka geystay , islamarkaana ay baaritaano kuwadaan.


