Garowe-RisaalaFM- Waxaa faah faahin dheeraad ah laga helayaa shil Gaari oo Duhurnimadii ka dhacay duleedka Magaalada Garowe ee xarunta Maamulka Puntland,
Shilkan ayaa yimid kadib markii ay isku dhaceen Gaari booyad ah oo xowli ku socday iyo Gaari yar oo dadka dhintay qaarkood ay saarnaayeen.
Inta la xaqiijiyay shilkan Gaari ayaa waxaa ku geeryootay 4 Qof, halka sidoo kalena ay ku dhaawacmeen Lix kale, kuwaasi oo la geeyay Isbitaalka Magaalada Garowe.
Liibaan Maxamed Maxamuud oo ka mid ah Ehelada dadkii ku dhintay shilkan ayaa ka hadlay sida uu u dhacay shilkan, waxaa sidoo kale xaaladooda caafimaad ka hadlay dadkii ku dhaawaccmay shilkan.
Duqa caasimadda Magaalada Garowe ee Maamulka Puntland Xasan Maxamed Ciise (Goodir) oo booqday goobta uu shilka ka dhacay iyo Isbitaalka Guud ee Magaalada Garowe ayaa sheegay dadka shilkan ku dhintay in ay ahaayeen dad u socday arrin ku saabsan Danta-guud.
Inta badan shilalka noocaan ah ee ka dhaca deganada Puntland ayaa sabab waxaa u ah gaadiidka uu ku socda xawaare dheereeye, islamarkaana ay adag tahay in la xakameeyo Gaariga.


