DHAGEYSO: Faah faahin laga helayo dhaawaca wasiirka amniga Puntland

Cabdi Xirsi Cali Qarjab oo ah wasiirka amniga maamulka Puntland ayaa waxa uu ku dhaawacmay iska hor imaad ciidamada maamulka Puntland ku dhexmaray magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Wasiirka ayaa la sheegay dhaawiciisa in uu yahay mid fudud oo qeybta hoose uu dhaawaca ka soo gaaray.

Warar kale oo madax banaan ayaa sheegaya in sidoo kale is rasaaseyntaasi uu dhaawac ka soo gaaray gudoomiyaha gobolka Bari inkastoo aan la xaqiijin karin.

Sidoo kale waxaa goobta ku dhaawacantay 6 ka mid ah askartii israsaaseynta ay dhex martay, waxaana la geeyay isbitaal ku yaalla magaalada Boosaaso.

Iska hor imaadkan ayaa yimid ka dib markii isfaha waa uu soo kala dhex galay ciidamada goobta ku sugnaa kadibna ay isku bilaabeen xabad.

Wariye C/raxmaan Cabdi Maxamed oo ku sugan magaalada Boosaaso ayaan wax ka weydiinay arimahaasi.