DHAGEYSO: Faah faahin laga helayo dagaal maanta ka dhacay Galbeedka Beledweyne

Waxaa faah faahin dheeraad ah ay ka soo baxeysaa dagaal maanta ka dhacay Galbeedka magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.

Dagaalka ayaa la sheegay in uu geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray Labada dhinac ee dagaalamay, waxaana dagaalka uu udhaxeeyay Beelo walaalo ah oo wada dega Galbeedka Beledweyne.

Dadka ku dhaawacmay dagaalka ayaa waxaa la geeyay isbitaalka magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.

Dadka deegaanka oo aan la xiriirnay ayaa inoo sheegay in dagaalka uu socday waqti kooban oo cabsi iyo barakac uu ku abuuray.

Taliyaha ciidanka boliiska magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan Cali Dhuux Mahad Alle oo Idaacadda Risaala la hadlay ayaa sheegay in iyada oo maamulka gobolka Hiiraan uu ku mashquulsan yahay samata bixinta dadka uu ku soo fatahay wabiga Shabeelle in hadana ay wada dagaalamaan beelo wada dega Beledweyne in ay tahay wax laga xumaado.