Bardaale-RisaalaFM- Maamulka degmada Bardaale ee gobolka Baay ayaa faah faahin ka bixiyay howlagallo ciidamada dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed aya ka sameeyeen deegaanada iyo tuulooyinka hoostaga degmada Bardaale.
Gudoomiye ku xigeenka dhinaca amniga degmada Bardaale Cali Cadow Isaaq oo la hadlay Idaacadda Risaala ayaa sheegay in ujeedka howlgalada ay ahaayeen sugidda amaanka iyo sidoo kale sidii Al-shabaab looga saari lahaa deegaanada iyo tuulooyinka ay kaga sugan yihiin degmada Bardaale.
Cali Cadow Isaaq Gudoomiye ku xigeenka dhinaca amniga degmada Bardaale ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada Huwanta ah ay weerar ku qaadeen Deegaanka Buulo-xaawo oo qiyaastii 35 KM ujira degmada Bardaale, waxaana uu sheegay in halkaasi ururka Al-shabaab ay saldhigyo ku lahaayeen.
Ilaa iyo hada ma jirto wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha Al-shabaab oo ku aadan wararka sheegaya in lagala wareegay deegaanka Buulo-xaawo oo ka tirsan gobolka Baay.


