Muqdisho-RisaalaFM- Taliyaha ciidamada wadooyinka General Cali Maxamed Cali oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Baabuurta yar yar iyo Mootooyinka Bajaajta aan la dhigi karin wadada Maka Al-mukarama.
Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in Gawaarida waa weyn ee kuwa xamuulka ah aysan isticmaali karin wadada Maka Al-mukarama.
Waxa uu sheegay amarka ay soo saareen cidii u hogaansami weyda in ay talaabo sharciga waafaqsan ka qaadi doonaan islamarkaana ay Ganaaxayaan.
General Cali Maxamed Cali Taliyaha ciidamada Taraafikada ayaa sidoo kale digniin u diray dadka aan bixin canshuurta iyo sidoo kale kuwa aan heysan warqadda sharciga wado marista.
Taliska ciidamada wadooyinka ee Taraafikada ayaa maalmihii dambe waxa ay magaalada Muqdisho ka wadeen howlgallo ay ku soo qab qabanayaan dadka aan heysan sharciga wado marista iyo sidoo kale kuwa Baabuurta ku dhaqa wadooyinka waa weyn ee magaalada Muqdisho.


