Danjiraha Soomaaliya ee Kenya oo booqday Xerada Dhagaxleey

Nairobi-RisaalaFM- Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Jamaal Maxamed Xasan, ayaa maanta booqday xerada Dhagaxleey oo ka mid ah xeryaha Qaxootiga Dhadhaab, isagoo la kulmay Mas’uuliyiinta Hey’adda UNHCR iyo hoggaamiyeyaasha Qaxootiga Soomaalida ah.

Danjire Jamaal, ayaa Qaxootiga war-bixin ka siiyay qaabka ay Soomaaliya, Kenya iyo UNHCR u qorsheeyeen in dalka dib loogu celiyo Qaxootiga Soomaaliyeed ee go’aansada in ay laabtaan, iyadoo aysan jiri doonin dad qasab lagu celin doono.

Dhinaca kale, dadka ku nool xeryaha ayuu u sheegay in ay ka fekeraan sidii ay uga bixi lahaayeen nolosha qaxootinimada oo ay dalkooda ugu laaban lahaayeen si ay uga qeybqaataan horumarintiisa.

Wakiillada Qaxootiga ayaa ka hadlay walaaca uu ku beertay, warka ay warbaahintu sheegeyso ee ah in la xiri doono xeryaha, dadkana lagu daabuli doono dalkooda.

Dhinaca kale, Danjiraha iyo Qunsulka oo ay wehliyaan Mas’uuliyiinta UNHR ayaa in kabadan kun qof u qeybiyay timir loogutalo galay in ay ku afuraan inta lagu guda jiro Ramadaanka.

Dadka ku nool Xerada Dhagaxleey ayaa aad u soo dhaweeyay safiirka iyo wafdigiisa, oo markii labaad inta lagu jiro Bisha Ramadaan soo booqday xeryaha Qaxootiga ee Dhabaab.