Bardaale-RisaalaFM- Wararka inaga soo gaaraya Degmada Bardaale ee Gobolka Baay ayaa waxa ay sheegayaan Diyaarad Qaad siday oo ka timid Dalka Kenya in ay shil ku gashay Garoonka Diyaaradaha ee Degmada Bardaale.
Gudoomiyaha Degmada Bardaale ee Gobolka Baay Weedow Cali Xasan oo la hadlay Idaacadda Risaala ee Magaalada Muqdisho ayaa wuxuu sheegay in Diyaarada wadadii ay ku socotay ka baxday.
Weedow Cali Xasan Gudoomiyaha Degmada Bardaale ee Gobolka Baay ayaa sidoo kale sheegay in Diyaarada uu bur bur yar soo gaaray, sidoo kalena ay hada ku howlan yihiin Engineeradii ku shaqada lahaa sameynteeda.
Soomaaliya maalin kasta waxaa yimaada in ka badan 16 Diyaaradood oo sida Qaad, kuwaas oo ka yimaada Dalka Kenya, waxaana ay Qaadka ku soo dejiyaan Magaalada Muqdisho iyo Gobolada Dalka.


