DEG DEG: Qarax ka dhacay Muqdisho

Muqdisho-RisaalaFM- Wararka inaga soo gaaraya Agagaarka Wasaaradda Gaashaandhigga ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in Qarax khasaare geystay uu ka dhacay halkaasi.

Qaraxa ayaa la sheegay in uu ahaa mid loo adeegsaday Qaari Walxaha Qarxa laga soo buuxiyay, waxaana uu geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, inkastoo ilaa iyo hada aan si rasmi ah loo ogeyn khasaaraha rasmiga ah.

General Maxamed Rooble Goobaale oo ahaa Taliyihii Guutada Saddexaad ayaa ka mid ahaa dadkii ku geeryooday Qaraxan lala eegtay Gaari mid ka mid ah Gawaaridiisa, waxaana sidoo kale ku dhintay qaar ka mid ah ilaaladiisa.

Al-shabaab ayaa sheegtay  Mas’uuliyada Qaraxan ka dhacay Agagaarka Wasaaradda Gaashaandhigga ee Magaalada Muqdisho ee lala eegtay Gen. Goobaale.

Faah faahin Radiorisaala.com