DHAGEYSO: Faah faahin Duqeyn ka dhacday Gedo

Gedo-RisaalaFM- Wararka inaga soo gaaraya Gobolka Gedo gaar ahaan meel ku dhow Deegaanka Ceel-cade oo ka tirsan Gobolka Gedo ayaa waxa ay sheegayaan in maanta Barkhadii Diyaaradaha Dagaalka Dalka Kenya ay halkaasi Deuqeyn ka fuliyeen.

Duqeynta ayaa si gaar ah Ciidanka Kenya waxa ay uga fuliyeen Deegaan lagu magacaabo Nus-dariiq oo ku yaalla Deegaanka Ceel-cade ee Gobolka Gedo.

Warar madax banaan ayaa sheegaya Ciidanka Kenya goobta ay Duqeynta ka fuliyeen in ay fariisin ku lahaayeen Dagaalyahano ka tirsasn Shabaab, xilliga ay Duqeynta dhaceysay.

Duqeyntan ayaa waxaa ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaartay dad shacab ah, sida ay Idaacadda Risaala u sheegeen dadka Deegaanka.