DHAGEYSO: Faah faahin dil ka dhacay Jowhar

Jowhar-RisaalaFM- Askari ka tirsan Ciidamada Booliska ayaa toogasho ku dilay Qof shacab ahaa, kaasi oo ka dhacay Magaalada Jowhar ee xarunta Maamulka Hirshabelle.

Askriga ayaa Gurigiisa ugu yimid wiil dhalinyaro ah oo la soo dacweeyay, kaasi oo xilligaasi xanuunsanaa, isaga oo gudaha ku jira oo soo xiranayay dharkiisa ayaa waxaa durbadiiba yimid, wiil la dhashay wiilka Dacwada loo heystay, isaga iyo Askariga ayaa murmay, kadibna Askriga ayaa sidaasi ku toogtay Wiilkaasi dhalinyarada ahaa.

Wiilka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Yaasiin Aadan waxaana uu jiray 18 sano, sida uu Risaala u sheegay mid ka mid ah Dadka Degaanka.

Dadka Degaanka oo ka carooday falkaasi ayaa dhigay Banaanbax ay uga cabanaayeen Ciidamada Booliska, balse Saraakiisha Booliska ayaa qaaday tallaabo bulshada lagu dejinaayay, waxayna durba soo xireen Askarigii falka dilka ah gaystay.

Waxa ay sheegeen muhiim in ay tahay in cadaaladda la horkeeno Askariga gacan ku dhiiglaha ah ee dilka geystay, si loogu qaado dambigii uu galay.