DHAGEYSO: Faah faahin AMISOM oo duqeysay Sh/Dhexe

Sh/Dhexe-RisaalaFM- Waxaa faah faahin dheeraad ah laga helayaa Duqeyn Ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM ay ka geysteen fariisin ururka Al-shabaab ay ku leeyihiin Duleedka Degmada Mahadaay ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Dadka Degaanka ayaa Idaacadda Risaala u sheegay ujeedka Ciidanka AMISOM ay u duqeeyeen fariisinka Shabaab ay ku leeyihiin in ay tahay kadib markii ay dareemeen dhaq dhaqaaqyo ay sameynayeen Al-shabaab.

Saraakiisha Ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Risaala u sheegay Duqeyntan in ay dhacday xilli saq dhexe ah oo Dadka Degaanka ay hurdayeen, waxaanan la ogeyn ilaa iyo hada khasaaraha rasmiga ah.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Al-shabaab xalay ay weerar ku qaadeen Degaanka Sabuun oo Duleedka Degmada Mahadaay ku yaalla, waxaana iska caabin ay kala kulmeen Ciidanka Dowladda Federaalka.

Wariyaha Risaala ee Degaanada Hirshabeelle C/raxmaan Cali Deerey ayaan arrimhaasi ka wareysanay.