Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay (SRSG) u qaabilsan Soomaaliya Michael Keating ayaa si kulul u cambaareeyay tirada badan ee caruurta ah ee kamid ahaa dagaalyahannada al-Shabaab, kuwaa oo ay soo qabteen xoogagga amniga ee Puntland intii uu socday dagaalki dhowaan ka dhacay qaybtaas ka tirsan Soomaaliya.
Ugu yaraan 16 aan qaan-gaar ahayn, una badnaa wiilal, ayaa kasoo muuqday wararki ay tebiyeen warbaahinta Soomaaliya, waxaase dhici karta in tirada caruurta la askareeyay ee ku jirta xabsiyada maamulka Puntland ay intaas ka badanyihiin.
Waxay kamid ahaayeen tobaneeyo xagjiriin ah oo lagasoo qabtay dhul xeebeedka Puntland, kuwaa oo markii dambe loo gudbiyay caasimadda dowladda ee Garowe.
Qaramada Midoobay waxay wadahadallo la furtay Dawladda Puntland, wadahadalladaas oo ku saabsan sidi loo qabanqaabin lahaa la-dhaqan habboon oo loola dhaqmo caruurtaas si waafaqsan sharciga caalamiga ah ee xuquuqul insaanka iyo sharciga caalamiga ah ee xilliyada dagaalka.
Tallaabooyin sax ah oo loo qaado dhanka arrimahaan ayaa waxay muujin doonaan sida ay maamulka uga go’antahay (kasoo dhalaalidda) ballamihii Soomaaliya ay qaaday marki ay ansixisay Heshiiska Xuquuqda Caruurta bishi Janaayo ee sanadki 2015.


