Baydhabo-RisaalaFM- Wasiirka Cadaalada Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Axmed Maxamed Barre ayaa sheegay in Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya uu jebiyay Dastuurka iyo Sharciga Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Axmed Maxamed Barre ayaa sheegay in aysan jirin Xuquuq Siyaasi ah oo ay leeyihiin Xildhibaanada iyo Wasiirada Maamulka Koonfur galbeed Soomaaliya.
Waxa uu sidoo kale sheegay in Madaxweyne Shariif Xasan uu dayacay Masuuliyadii loo igmaday islamarkaana aysan jirin wax shaqo ah oo ka socda Magaalooyinka Maamulkaaasi.


