DHAGEYSO Dr Baadiyow “Amni darada hal arin ayaa u sabab ah”

Dr C/raxmaan Maxamed Cabdulaahi Baadiyow oo noqday musharax madaxweyne sanadkii 2012 ayaa ka hadlay waxyaabaha keenay in maamulka gobolka Banaadir xiligan lagu wareejiyo amaanka caasimada Soomaaliya.

Dr Baadiyow ayaa sheegay in dowlada Soomaaliya ay lasoo daahday qorshaha amaanka caasimada loogu wareejinayo maamulka gobolka Banaadir, oo mar hore la doonayay in talabaadaasi ay qaado.

Amni darada dalka Soomaaliya ayuu ku sheegay iney tahay siyaasada guud ahaan ee dalka Soomaaliya oo mushkilad ay ka taagan tahay, sida uu hadalka u dhigay.

Wuxuu sidoo kale sheegay in laamaha amaanka ay sameeyeen dadaal walbaa oo lagu xaqiijin karo amaanka caasimada Soomaaliya balse ay jirto siyaasada guud ee amaanka oo fashilan.