DHAGEYSO: Dowladda Soomaaliya “hormuud ayaan ka aheyn duqeymaha lala beegsaday Al-shabaab”

Iyadoo mudooyinkii udambeeyay diyaaradaha dagaalka dalka Mareykanka ay duqeymo kala duwan ka geysanayeen deegaano ka tirsan Jubbooyinka, waxaana la sheegay in duqeymahaas lagu bartilmaameedsanayay saraakiil ka tirsan ururka Al-shabaab.

Taliska ciidanka dowlaada federaalka Soomaaliye ee qeybta Jubbooyinka ayaa waxa uu sheegay in howlgalladaasi ay ka qeb qaateen ciidanka xoogga dalka ayna hormuud ka ahaayeen howlgalka.

Taliyaha ciidanka isku dhafka Militariga Soomaaliya ee Jubbooyinka Muxudiin C/kariin Sayid Maxamed Cabdulle ayaa sheegay ciidamada oo ku guda jira howlahooda tababarka in ay ka qeyb qaateen howlgallada lagu bartilmaameedsanayay Al-shabaab.

Deegaanadii ugu dambeeyay ee diyaaradaha ay duqeeyeen ayaa waxaa ka mid ah deegaanka Yoontoy iyo deegaanka Cabdalla Biroole oo ka tirsan gobolka Jubbada Hoose.