Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa sheegay in awoodoodii Shabaab la wiiqay oo la gala wareegay fariisimihii ay kasoo duullaan tegi jireen hase yeeshee ay billaabeen qorsha kale oo ay ku xasuuqayaan haweenka, caruurta, dadka waayeelka ah iyo dhammaan dadka biri magaydada ah waa sidda uu sheegay.
Mahdi Maxamed Guuleed Khadar waxaa uu sheegay in maanta aysan jirin Awood ay leeyihiin Al-Shabaab oo ay ku dhibaateyn karaan Ammaanka Guud ee Soomaaliya hadii ay baxaan Ciidanka AMISOM.
Waxaa uu tilmaamay in si weyn loo dardargalin doona Qorshaha loogu tala galay in lagula dagaallamo Qaraxyadda Al-Shabaab ay inta badan ka geystaan Magaalada Muqdisho.



