Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku eedeeyay dowladda Dhexe ee Soomaaliya in ay dayacday degmooyinka gobolka Banaadir.
Xildhibaan Senator Xuseen Sheekh oo ka mid ah Aqalka Sare ayaa Idaacadda Risaala u sheegay in si weyn loo dayacay degmooyinka gobolka Bakool.
Waxaa uu sheegay in ay dadka Shacab ah ay la kulmayaan dhibaatooyin kala duwan oo xooggan.
Afar sano ka hor ayuu xusay in Al-Shabaab laga saaray degaanada gobolka Bakool, islamarkaana wali ay go’doon ay ku jiraan degaanada gobolka Bakool.
Dowladda Dhexe ayuu ugu baaqay in ay si deg deg ah wax uga qabtaan dhibooyinka.


