Madaafiic lagu garaacay Saldhig ciidamada Puntland ay leeyihiin

Wararka naga soo gaaraya degaanka Galgala ee gobolka Bari ee maamulka Puntland ayaa waxa ay sheegayaan in dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay madaafiic ku garaaceen Saldhig halkaasi ay ku leeyihiin Ciidamada ammaanka maamulka Puntland.

ku dhawaad Shan Madfac ayaa lagu soo waramaya in ay ku dhaceen Afaafta Hore ee Saldhigga Ciidamada Puntland.

Al Shabaab waxa ay sheegteen in madaafiicda qaar ay ku dhaceen gudaha Saldhiga, inkastoo aanan la xaqiijin Karin sheegashadooda.

Ilaa iyo hadda ma jiro waxa ah war ah oo kasoo baxay maamulka Puntland oo ku aadan Madaafiicdaasi lagu garaacay Saldhigga.