DHAGEYSO: Dowladda oo la xisaabtameysa Askarta Shacabka disha

Wasaarada Amniga dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in lala xisaabtami doono ,islamarkaana Sharciga la horkeeni doono Askarta dila dadka Shacabka ah.

Wasiirka Wasaarada Amniga dowladda Soomaaliya Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya aysan Aqbali doonin in Askarta ciidamada dowladda Soomaaliya in ay dhibaateeyaan shacabka.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in Askarta ciidamada dowladda Soomaaliya loogu tala galay in ay sugaan Amniga dadka Soomaaliyeed , laakiin aan loo baahneyn in ay dhibaateeyaan.

Askarta ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa inta badan dhibaato ugeysta dadka Shacabka ee kunool gudaha Soomaaliya.