Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya, Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa maalmo kadib waxa uu ka hadlay hadalkii kasoo yeeray Madaxweynaha Puntland ee ahaa in shir wadatashi ah la isugu yimaado 15 Bishaan Magaalada Garoowe.
Maareeye ayaa sheegay in dowladda federaalka ay soo dhaweyneyso shirkaasi oo ah mid guud ahaan wadatashi ah,isla markaana uu rajo wanaagsan ka muujiyey in ay shirkaan ka soo bixi doonaan natiijooyin waxtar u leh Ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan reer Puntland.
Ugu ambeyn Wasiirka Warfaafinta ayaa ugu baaqay madaxweyne Deni in uu ka shaqeeyo midnimada iyo horumarka dalka, islamarkaana uu muujiyo tanaasul.
Hadalkaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo weli uu jiro khilaaf xoogan oo u dhexeeya dowladda federaalka iyo maamulka Puntland, kaas oo muddo dheer soo jiitamayey.



