Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisow ayaa ugu baaqay dadka banaabaxyadda ka dhigaya Muqdisho in ay ilaaliyaan Ammaanka.
Waxaa uu sheegay in saakay dhalinyaro badan oo kasoo horjeedo Qaraxii Muqdisho ay iskugu soo baxeen wadooyinka ,islamarkaana qaarkood ay sameynayaan falal lidi ku ah Ammaanka sida tuurida Dhagaxaan.
Waxaa uu sheegay in loo baahan yahay banaanbaxa ,laakiin ay muhiim tahay in la adkeeyo Ammaanka.
Saakay ayaa boqolaal dad ah waxa ay isku soo baxeen wadooyinka ugu muhiimsan Muqdisho, waxaana la sheegay in qaarkood ay tuuryeyeen goobo ganacsi.
Waxaa sidoo kale xusid mudan in Muqdisho uu ka dhacayo banaanbax weyn oo Gudoomiyaha gobolka Banaadir uu iclaamiyay Galabta.



