DHAGEYSO: Dowladda Masar oo gacanta ku dhigtay Tahriibayaal

Wararka naga soo gaaraya dalka Masar ayaa sheegaya in ciidanka dowladda Masar ay gacanta ku dhigeen ku dhawaad 30 qof oo muhaajiriin ku waa soo doonaayey in ay ka baxaan dalka si ay ugu gudbaan dalalka Yurub.

Dadka la soo qabtay ayaa la sheegaya in 17 ka mid ah ay kasoo jeedaan dalka Soomaaliya halka kuwa kala ay u kala dhasheen dalalka Itoobiya iyo Eletria.

Dadkaan ayaa waxaa waday gaari  xamuul ah oo korka ka daboolan si aysan u arag ciidanka ammaanka dalka Masar,gaariga ayaa la sheegaya in uu isku dayey in uu baxsado lakiin ciidanka ayaa gacanta ku dhigay .

Dowladda Masar ayaa si weyn u adkeysay ammaanka xeebaha laga soo galo  dalka Masar.

Xabsiga ugu weyn dalka Masar oo lagu magacaabo Alqanaadi waxa uu ku yaala magaalada Qaahira waxaana  la sheegaya in ay ku jiraan dad badan oo Soomaaliyeed ku waa soo lagu qabtay xili ay gudaha jireen tahriib.