DHAGEYSO: Dowladda” Lacago fara badan ayaan heynaa”

Wasiirka qorsheynta Maalgashiga iyo Hormarinta dhaqaalaha ee Xukuumada Soomaaliya Jamaal Xasan Maxamed ayaa sheegay in la hayo lacago fara badan oo uu midowga yurub Soomaaliya ugu deeqay.

Wasiirka ayaa sheegay in maamulka lacagtaasi iyo go’aan ka gaarideeda in ay iska leedahay dowladda Federaalka Soomaaliya.

Waxa uu sheegay in wada shaqeyn dhaw ay la yeelan doonaan Wasiirada Wasaaradaha qorsheynta ee Maamul goboleedyada Dalka.

Waxa uu xusay in Wasaarada ay ka shaqeyn doonto sidii loo hormarin lahaa dhaqaalaha Dalka.

Dowladda Soomaaliya ayaa bilihii lasoo dhaafay waday dadaallo kala duwan oo lagu hormarinaayo dhaqaalaha Soomaaliya.