DHAGEYSO: Dowladda iyo Shacabka oo si dhow u wada shaqeynaaya

Ra’isal Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in golaha Wasiirada uu soo Magacaabayo in ay noqon doonaan kuwa wada shaqeyn dhow la yeesha Shacabka Soomaaliyeed.

Waxa uu sidoo kale sheegay in Golaha Wasiirada uu soo dhisayo in aysan noqon doonin kuwa dantooda gaarka ka shaqeeya balse ay noqon doonaan kuwa ka shaqeeya sida uu sheegay hormarinta iyo Midnimada Ummada Soomaaliyeed.

Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in ilaa hada aysan jirin Golle Wasiiro oo diyaarsan, Waxa uuna been abuur ku tilmaamay Wararka sheegaya in golaha Wasiirada ay diyaarsan yihiin isla markaana la sugayo oo keliya ku dhawaaqis.

Waxa uu sidoo kale sheegay in weli ay socdaan wada tashiyo ku saabsan Magacaabista Golaha Wasiirada.

Sidoo kale Ra’isal Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa Shacabka Soomaaliyeed ka dalbaday in ay si hagar la’aan ah ula shaqeeyaan Madaxda Cusub ee Dowladda.

Baraha Bulshada iyo Wepsite-yada qaar  ayaa waxaa lagu qoray Liis la sheegay in uu hordhac u yahay Golaha Wasiirada iyo sidoo kale waxaa lagu qoray in golaha Wasiirada ay yihiin kuwa diyaarsan.