Dowladda Soomaaliya ayaa maanta dhaqaalihii ugu horeeyay waxa ay gaarsiiyay deegaanada ay abaaraha ka jiraan, kuwaas oo ay gacanta ku hayaan maamulka Soomaaliland.
Hal Milyan oo lacagta Mareykanka ayaa la gaarsiiyay deegaanada abaaraha lag soo sheegay.
Xubno ka kooban hey’ada culimada Soomaaliya, Rugta ganacsiga, Odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kale ee bulshada.
Wafdiga maanta ka ambabaxay Muqdisho ayaa waxa ay dowladda Soomaaliya u dhiibtay lacagta Halka Milyan ah, si loo gaarsiiyo deegaanada ay abaaraha ka jiraan.
Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Maxamed Cumar Cartan oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in lacagtan ay iska soo jareen madaxda sare ee dowladda.
Dowladda Soomaaliya ayaa horey u balanqaaday lacag dhan Hal Milyan oo Dollar ay ugu deeqday deegaanada ay abaaraha ka jiraan ee Soomaaliland.


