Magalada Kismaayo ee Xarunta gobolka Jubbada Hoose oo dhawaan martigelin doonta doorashada Madaxweynaah Jubbaland ayaa haatan waxaa ka socda loolan adag oo u dhaxeeya Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday ee Jubbaland iyo musharixiin la magac baxay isbeddel-doonka Jubbaland.
Dhawaan waxaa bilaawday is diiwaangelinta musharixiinta u taagan qabashada xilka madaxweynaha Jubbaland,waxaaana la soo bandhigay shuruudaha musharixiinta,iyada oo ay ka mid ahaayeen in musharax kasta uu wato 10 ka mid ah Xildhibaannada Jubbaland,hayeeshee Baarlamaanka Jubbaland oo aan weli la xulin ay bilaabatay is diiwaangelinta.
Hadaba Hoos Ka Dhageyso warbixin ku saabsan loolanka ka socda Magaalada Kismaayo iyo Wariye Maxamed Cabdi Cali.