DHAGEYSO: Dib u dayactir lagu sameynaayo talisyadda Ciidamada Asluubta

Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Garsoorka dowladda Soomaaliya Mudane Xasan Xuseen Xaaji ayaa sheegay in ay waddaan dadaallo kala duwan oo dib loogu hirgalinaayo xarumihii Ciidamada Asluubta ee gobolada dalka Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay in dowlada Soomaaliya ay xoogga saari doonto sidii dib u dayactir loogu sameyn lahaa xarumihii talisyadda Ciidamada Asluubta.

Dhammaan maamul goboleedyadda ayuu sheegay in xarumaha Ciidamada Asluubta laga dhisi doono.

Xasan Xuseen Xaaji ayaa ugu dambeytii sheegay in haddii aysan dhisneyn Ciidamada Asluubta in aan la heli doonin Garsoor Caddaalad ah.