Isticmaalka lacagta Shilinka Somaliga Suuqyada deganada Puntland ayaa waxaa ka taagan dhibaato adag iyadoo shalay iyo maanta meelo ka mid ah Suuqa ganacsiga Magaalada Boosaaso dadka ay diidayeen inay qaataan shilin Somaliga.
Dhibaatadan oo muddooyinkii dambe jirtay ayaa hadda dib u soo ifbaxday, iyadoo Madaxda Puntland ay ku jahwareersan yihiin wax ka qabashada xaaladan taagan.
Madaxweyne Ku xigeenka Puntland C/xakiin Camey ayaa ka hadlay xaalada cakiran ee ka taagan isticmaalka lacagta Shilinka Somaliga.
Somaliya ayaa hadda lacagta laga isticmaalo waxaa ugu wayn Kunka Shilinka Somaliga ah oo sii liidanaya tayadiisa, mana muuqato ifafaalo lacag cusub dalka loogu soo daabacaayo.



