DHAGEYSO: Dhibaato ka taagan Baledweyne

Wabiga Shabeelle oo ah Wabiga Labaad ee ugu dheer Dalka Soomaaliya ayaa guray , iyadoo kumanaan ruux ay saameen ku yeelatay biyo la’aanta Wabiga Shabeelle.

Sidda ay xaqiijiyeen Mas’uuliyiinta maamulka gobolka Hiiraan Wabiga ayaa guray, waxaana uu sameyn ku yeeshay bulshadda kunool Magaalada Baledweyne.

Biyo la’aanta Wabiga Shabeelle ayaa waxa ay dhibaato ku tahay kumanaan Qoys oo ku nool hareeraha Wabiga Shabeelle, kuwaas oo noloshooda ay ku xirneyd Biyaha Wabiga.

Dadka ay saameeyeen Biyo la’aanta Wabiga ayaa inta badan waxa ay degan yihiin tuulooyin hoosyimaada Magaalada Baledweyne  ee xarunta Gobolka Hiiraan.

Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo ka mid ah waxgaradka gobolka Hiiraan oo ka hadlay dhibaatada guridda Webiga ayaa sidoo kale sheegay in xataa ay gureen ceelashii Biyaha waxaana uu Hay’adda Gargaarka ugu baaqay in la caawiyo dadka kunool Magaalada Baledweyne.

Waxaa uu sheegay in ay dalbanayaan in ceelal loo qodo Shacabka kunool Magaalada Baledweyne.