Maamulka Puntland ayaa siyaasadeyay Daryeel Caafimaad oo dhawaan Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu sheegay in uu u fidinaayo gabar lagu kufsaday degmada Goldogob ee gobolka Mudug.
Warqad kasoo baxay Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dowladda Soomaaliya ay doonayso in ay cadaaladda hesho gabadhii lagu dhibaateeyay degmada Goldogob.
Laakiin Madaxda dowlad goboleedka Puntland ayaa sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya aysan waxba ka khuseyn gabadha lagu kufsaday Goldogob , islamarkaana ay tahay arin u taal maamulka Puntland.
Wasiirada Haweenka Puntland ayaa sheegay in hadalka kasoo baxay Xafiiska Madaxweynaha uu yahay guul daro , islamarkaana aysan habooneyn gabar la dhibaateeyay in ololo doorasho lagu galo.
Madaxweynaha ku xigeenka Puntland ayaa dhankiisa sheegay in Puntland ay kasoo horjeedo hadalka kasoo baxay Madaxweynaha , islamarkaana laga rabo in uu wax u qabto gabdhaha ku dhibaateysan Muqdisho.


