Mozembique-RisaalaFM- Bartamihii sanadkii tagay ayay aheyd markii waraaqadaha Aqoonsiga safiirnimo uu ka gudoomay Madaxweynaha dalka Mozembique, safiirka Dowladda Soomaaliya u magacowday dalkaasi Jamaal Maxamed Barow.
Safar gaaban oo uu ugu kuurgalayay xaaladaha dhabta ah ay ku nool yihiin Jaaliyadda Soomaaliyeed ayuu safiirka ku tagay Magaalada Lambula oo ah Magaalo ay ku badan yihiin dadka Soomaalida ah.
Jamaal Maxamed Barow Safiirka Dowladda Soomaaliya ee dalka Mozembique oo wareysi siinayay Idaacadda Risaala ayaa sheegay Dowladda Mozembique in uu kala hadli doono sidii sharci loogu sameyn lahaa dadka Soomaalida ah ee mudada dheer halkaasi degan.
Warbixinta warkan waxaa Magaalada Lamumba inooga soo diray Wariyaha Risaala ee dalka Mozembique Maxamed Axmed Gaabow.


