ICG oo eedeysay Shabaab

Hay’adda xasaradaha caalamka ka faalloota ee ICG ayaa warbixin cusub ka soo saartay xaaladda bani’aadannimo ee Soomaaliya.

Hay’addu waxay sheegtay in ururka Al-Shabaab ay yihiin caqabadda ugu weyn ee hortaagan in gar gaarka la gaarsiiyo meel kasta iyo dadka u baahan.

Dhinaca kale waxay warbixintu tilmaantay inay jiraan caqabado kale oo ay ka mid yihiin colaadaha qabaa’illada, Ciidamada iyo maleeshiyaadka gobollada ee dhigta jidgooyada iyo kuwo kale.

Rashiid Cabdi oo ah Madaxa ICg ee Geeska Afrika oo la hadlay VOA ayaa sheegay Macluusha maanta ka taagan Soomaaliya in ay tahay midii Saddexaad bur burkii kadib.

“Shabaab waa caqabada ugu weyn ee hortaagan in gar gaarka la gaarsiiyo meel kasta iyo dadka u baahan, waxaa loo baahan yahay arrintaasi in wax laga qabto, si dadka dhimanaya loo badbaadiyo.

Sidoo kale Rashiid Cabdi ayaa sheegay caqabada labaad ee hortaagan in dadka dhibaateysan gar gaar la gaarsiiyo ay tahay maleeshiyo dhac ugeysanaysa baabuurta xamuulka ah ee gar gaarka u wada dadka ay Abaaraha saameeyeen.

Ugu dambeyntii Madaxa ICG ee Geeska Afrika Rashiid Cabdi ayaa sheegay in loo baahan yahay in la heli Barnaamij dheer oo Istiraatiyad leh, si xasiliyo siyaasadda Soomaaliya.