Muqdisho-RisaalaFM- Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa qaaday talaabooyin lagu soo afjarayao isbaarooyinka yaalla wadooyinka muhiimka ah ee ka tirsan Gobolka Shabeelaha Hoose.
Abaanduulaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Gen. C/laahi Cali Caanood, ayaa sheegay in la qaaday isbaarooyinkii yaaley wadada dheer ee isku xirta Magaalooyinka Afgooye, Bariire, No 50 iyo deegaano dhowr ah oo ku xeeran, isla markaana la xiray askartii isbaaradu u taaley, xilkiina laga qaaday Saaraakiishii xukuntay askarta isbaarada dhigatay.
Sidoo kale Abaanduulaha ayaa wacad ku maray in la soo afjari doono guud ahaan wadooyinka u xiran ururka Al-shabaab ee go’doonsan, lana furi doono.
Waxa u sheegay wadooyinka u xiran hada Al-shabaab in si xoog ah looga saari doono, taasina ay u diyaar garoobeen Ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa horey ugu baaqay muhiim in ay tahay in la furo wadada dheer ee isku xirta Baydhabo iyo Muqdisho, halkaasi oo ay ku sugan yihiin Shabaabka.



