DHAGEYSO: Dagaalyahano Shabaab ah oo isku dhiibay K/Galbeed

Baydhabo-RisaalaFM- Labo Dgaaalame oo ka tirsan ururka Al-Shabaab ayaa isku soo dhiibay Maamulka Koonfur Galbeed, kuwaas oo ka soo fakaday Degmada Saakow, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha Ciidanka Maamulkaasi.

Taliyaha Booliska Degmada Baydhabo Korneel Mahad C.raxmaan Aadan ayaa sheegay raggan in ay la soo xiriireen Ciidamo ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed, sidaasina ay ku suur gashay in ay soo gaaraan Magaalada Baydhabo.

Waxa uu sheegay Labadan Dagaalame in ay wateen Hubkooda iyo sidoo kale dareeska Ciidanka, isagoo sidoo kale tilaamay in ay soo dhaweynayaan ragga kale ee Shabaab ka tirsan, si cafis loogu fidiyo.

Maamulka Koonfur Galbeed ma uusan sheegin magacyada raggan iyo da’ahaan inta ay jiraan, balse waxa uu sheegay in ay si wanaagsan ula dhaqmi doonaan.