Wararka inaga soo gaaraya gobolka Mudug ayaa sheegaya dagaal beeleedyo khasaaro geystay in ay ka dhaceen Bariga gobolka Mudug .
Wararka waxa ay sidoo kale intaa ku darayaan indagaal beeleedyadu ay u dhaxeeyaan labo maleeshiyo beeleed oo xoolo dhaqato ah kuwaas oo ku nool deegaanada miyiga ah eek u yaala bariga gobolka Mudug.
Waxaana dagaaladan ay ka bilowdeen Geel la kala dhacay sida dadka deegaanka ay inoo xaqiijiyeen, iyadoo ilaa iyo hada aan la ogeyn khasaaraha dhabta ah, Hayeeshee dadka deegaanka ah ayaa sheegaya in labada dhinac uu jiro khasaare soo kala gaaray sidoo kale dagaaladan waxaana faah faahin rasmi ah ka bixin maamulada halkaasi ka arimiya.


