Boqolaal qoys oo kasoo barakacay Fatahaadda Magaalada Baledweyne ayaa maanta gaaray degmada Buulo burde ee gobolka Hiiraan sidda ay Risaala u xaqiijiyeen mas’uulinta degmadaasi.
Magaalada Buulo Burde ayaa muddo badan ku jirtay go’doon ay galiyeen dagaalyahanada Al-Shabaab.
Gudoomiyaha Buulo Burde Cabdi Daahir Guure ayaa Risaala u sheegay in dadkii soo barakacay ay soo gaareen Magaalada, islamarkaana ay u baahan yihiin in la caawiyo.
Waxaa uu sidoo kale tilmaamay in meelo ka mid ah degmada ay uu ku fatahay Wabiga Shabeelle oo mara Xaafado ka mid ah degmada Buuloburde.



