DHAGEYSO: Dab khasaare geystay oo ka kacay Muqdisho

Wararka inaga soo gaaraya Degmada Dharkiinleey ayaa waxa ay sheegayaan in Maanta dab uu ka kacay Guri ku yaalla Degmadaasi.

Dabkan  ayaa ka dhashay Koronto sida ay Idaacadda Risaala ee Magaalada Muqdisho u sheegeen Dadka Degaanka.

Dabkan ayaa geystay khasaare hantiyadeed, waxaana uu gubay Guri Vilo ah iyo sidoo kale Guryo ku dhawaa.

Cabdisalaan oo ka mid ah dab damiska Maamulka gobolka Banaadir  oo la hadlay Idaacadda Risaala ayaa sheegeen in ay gurmad u fidiyeen dadkii ay Waxyeelado kasoo gaartay dabka.

Koronta dabka sababtay ayaa waxaa iska leh shirka BECO.