DEG DEG: Sarkaal ka tirsan Ciidanka Madaxtooyada Soomaaliya oo la dilay

Wararka naga soo gaaraya Madaxtooyada Soomaaliya ayaa waxa ay sheegayaan in Askari ka tirsan ciidanka dowladda Soomaaliya uu dilay Sarkaal Sare oo ka tirsan ciidanka Madaxtooyada.

Askarigii dilka ay geystay ayaa baxsaday sida Risaala u sheegeen ilo ku dhow Madaxtooyada Soomaaliya.

Wararka Qaar ayaa sheegaya in sarkaalka la dilay uu ahaa taliye ku xigeenka ciidanka Madaxtooyada Soomaaliya.

Sarkaalka Sare ee la dilay ayaa lagu magacaabaa Qoorgaab.

Ilaa iyo Hadda ma cadda sababta keentay in Askari ka tirsan ciidanka Madaxtooyada uu dilo sarkaalkaasi.