Baarlamaanka oo go’aan ka gaaray Lacagta laga qaadayo musharaxiinta

Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya  oo kulan uga soo socdo Magaalada Muqdisho gaar ahaan xarunta golaha shacabka ayaa Ansixiyay lacagaha laga rabo musharaxiinta u taagan Qabashada xilalka Gudoonka Baarlamaanka iyo sidoo kale mida Madaxweynaha.

Xildhibaanada ayaa isku raacay in  musharaxiinta Gudoonka Baarlamaanka  ay bixiyaan lacag gaaraysa 15-kun oo dollar-ka Mareykanka ah.

halka Musharaxiinta Madaxweynaha ay bixinayaan 30-Kun oo dollar.