Muqdisho-RisaalaFM- Waxaa galabta wareegii labaad kulankiisii ugu dambeeyay ee Tartanka Iskuulada Risaala isku arkay Sheekh C/xafiid iyo Daaru-taqwa, kaasi oo ahaa mid xiiso badan, maadaama labada iskuul midba midka kale uu diidayay in garabkiisa dhulka la dhigo.
Labada iskuul ayaa la weydiiyay min Lixdii su’aal ee ay xaqa u lahaayeen, oo Gudiga Tartanka Dugsiyada sare ee Risaala ay u qorsheeyeen.
Jaamacadda Banaadir oo mar walba dhiiragelisa dhaqaalena ku bixisa arrimaha la xiriira waxbasrahada ayaa waxa ay taabagelinaysaa Tartanka, taasi oo iskuulada kaalmaha hore ka gala Tartankan siineysa abaalmarin qaali ah, Ciida ka hor.
Iskuulka Daaru-taqwa oo keensaday dhibco gaaraya 9 ayaa guud ahaan Tartanka ka reebay iskuulka Sheekh C/xafiid oo la yimid dhibco gaaraya 4 dhibcood, waxaana Saddexdii iskuul ee horey u soo baxay ku biiray Daaru-taqwa.
Xasan Cabdi Axmed oo ka tirsan Guddiga Tartanka Dugsiyada sare ee Risaala ayaa ku dhawaaqay natiijada tartankii galabta dhexmaray labada iskuul.
Tartankan oo soo gaaray wareegiisa Afar dhamaadka ayaa waxaa isugu soo haray iskuulada Tayo, Abii-xaniifa, Sheekh Caanoole iyo Daaru-taqwa oo galabta guuleystay.
Barri waxaa tartami doona Iskuulada Tayo iyo Abii-xaniifa, iskuulkii soo badiya ayaa waxa uu iska xaadirin doonaa kama dambeysta Tartankan.








