DHAGEYSO: Ciidanka Taraafikada oo soo bandhigay Gaadiidka ugu Shilka Badan Muqdisho

Taliyaha Ciidanka Ilaalada Wadooyinka  Cali Faarax ayaa sheegay in sanadkii lasoo dhaafay ay shilal badan oo sababay khasaaro aad u fara badan ay ka dhaceen dalka, islamarkaana ciidanka Ilaalada Wadooyinka ee loo yaqaano Taraafikada ay qabteen shaqooyin aad u faradan.

Taliyaha ayaa sheegay in sanadkii laga soo gudbay Ciidanka Taraafida ay diwaan geliyeen 2084 danbi.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in shilal kala duwan oo ka dhacay dalka ay ku burbureen   2300 oo Gaari.

83 qof ayuu xusay in ay shil Gaari u dhinteen sanadkii lasoo dhaafay ee 2016-da , sidoo kale 328 qof ayaa waxaa ay noqdeen dhawaac culus , halka dhaawaca fududna ay noqdeen 470 qof.

Shilalka ugu badan ee ka dhaca Magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu xusay in ay sababto Mootada loo yaqaano Bajaajta.