DHAGEYSO: Ciidanka Dowladda “Howlgal wado furis ah ayaan ka bilaabeynaa Diinsoor”

Diinsoor-RisaalaFM– Iyadoo shalay Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed iyo saraakiil ka tirsan xoogga dalka ay gaareen degmada Diinsoor ee gobolka Baay ayaa waxa ay sheegeen in dhowaan uu bilaaban doono howlgal ka dhan ah Shabaab oo lagu furayo wadooyinka soo gala degmada Diinsoor ee go’doonka ku jira.

Taliyaha Ciidamada Miltariga qeybta 60-aad Ibraahim Aadan Yarow ayaa sheegay in ay bilaabi doonaan howlgal lagu furayo wadooyinka go’doonsan ee ka tirsan deegaanada Koonfur Galbeed.

Taliyaha ayaa sidoo kale wuxuu sheegay in ciidanka ku sugan degmada Diinsoor dhowaan ay bilaabi doonaan howlgallo looga Shabaab looga saarayo deegaanada ay ka joogaan degmada Diinsoor, isagoo dhanka kale shacabka kula dardaarmay in ay garab siiyaan ciidanka xoogga si ay uga guuleystaan Shabaab.

Wuxuu sheegay in Al-shabaab ay dhibaato badan ku hayaan shacabka ku dhaqan halkaasi isagoo intaa ku daray in koonfur Galbeed ay diyaarisay ciidankii Shabaab ka saari lahaa deegaanada ay ka joogaan Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa horey usheegay inuu bilaaban doono howlgal qorshihiisa uu yahay in Shabaab looga saaro deegaanada Koonfur Galbeed , inkastoo howlgalkaasi weli aan la shaacin waqtiga rasmiga ah ee uu bilaabanayo.