Mudug-RisaalaFM- Waxaamuran badan dhaliyay howlgal Ciidanka kumaandooska Soomaaliya ay ka sameeyeen magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug taas oo ay kaga gol lahaayeen xaqiijinta amniga, waxaana howlgalkaasi si weyn u cambaareeyay siyaasiyiinta iyo mas’uuliyiinta gobolka Mudug.
Xirsi Yuusuf Duqa degmada Gaalkacyo oo shir jaraaid qabtay ayaa sheegay in ciidamadaasi aysan wx xiriir ah la soo sameynin maamulka degmada ayna ula muuqato kuwo gadaal laga soo riixayo.
Labadii habeen ee la soo dhaafay waxa ay ciidamada Danab howlgallo ka sameynayeen magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.
Axmed Maxamed Shire Gudoomiye ku xigeenka gobolka Mudug ee maamulka Galmudug ayaa sheegay ficilada ay sameynayaan ciidanka Danab in aysan aheyn kuwa sax ah.


