DHAGEYSO: Ciidamo AMISOM ah oo rasaas ku furay dad ku banaanbaxaayay Muqdisho

Ciimada AMISOM ayaa maanta rasaas ku furay dad shacab ahaa oo ku banaan baxaayay isgoyska Tarabuunka ee Degmada Hodan, waxa ayna dadkaasi banaanbaxyada dhigaayay ay ka ashtakoonayeen falalka AMISOM ay ku dilaan dad shacab ah oo aan waxba galabsan.

Dadkaani ciidamada AMISOM ay rasaaseeyeen ayaa dhigayay banaanbaxyo nabdoon oo ay kaga soo horjeedeyn falkii Ciidamada AMISOM ee shalay ku dileen afar ruux oo shacab ahaa oo ku sugnaa isgoyska Ex-Kontrool Balcad,kadib markii kolonyo ciidamo Burundi ah ee qeybta ka ah Ciidamada Nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM lala eegtay Miino.

Rasaasta ay Ciiamadaan AMISOM ay ku fureen dadka banaanbaxaayay ayaa timid ka dib markii banaanbaxayaasha ay xirteyn wadooyinka galla isgoyskaasi deetana Ciidamadaan ay waayeen meel ay ka baxaan inkastoo rasaasta ay fureen aysan cidna wax ku noqon hadane dadka banaanbaxaayay ayaa kasii carooday falkaan kale ee Ciidamada AMISOM ka geysteen isla magaalada Muqdisho.

Dadkaani banaanbaxaayay ayaa masuuliyiinta Dowladda Federaalka Soomaaliya ugu baaqay in AMISOM lagula xisaabtamo tacaiyada ka dhanka ah dadka rayidka ah ay ka geystaan Magaalaa Muqdisho.

Waayihii dambe waxaa magaalada Muqdisho kusoo badanaayay rasaasta AMISOM ay ku furtaan wadooyinka iyadoo sidaas si lamid ah markii lala eegto miino ay rasaas fara badan ku furaan dadka shacabka ah ee ku hareersan.