Ciidamada Jubbaland ayaa howgal gaar ah ka sameeyay deegaanka Cabdi Biroole oo 40km dhinaca galbeed uga beegan duleedka magaalada Kismaayo, halkaasoo saldhig ay ku lahaayeen dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab.
Afhayeen u hadlay ciidamada maamulk Jubbaland, Axmed Maxamed Maxamuud (Carab) ayaa u sheegay in howgalkaas ay ku dileen ilaa toddobo ururka Al-Shabaab isla markaana hub iyo agab kale ay kula wareegeen.
Waxaa uu sidoo kale sheegay in ay la wareegeen deegaanka Cabdi Biroole oo muddo ay joogeen Xarakada Al-Shabaab.
Mar la weydiiyay khasaaro dhinacooda ka soo gaaray howgalkaas, wuxuu sheegay in wax khasaaro ah aanu ka soo gaarin dhinaca ciidamada Jubbaland isagoona intaas ku daray in ay hadda deegaanka Cabdi Biroole ay ku sugan yihiin ciidamada Jubbaland.
Dhinaca kale, Goobjoogayaal ku sugan deeganka Cabdi Biroole ayaa xaqiijiyay in xaaladda deeganka ay maanta deggan tahay balse ciidamadii Jubbaland ee qabsaday ay dib uga baxeen.
Howgalkan ayaa ku soo aaday xilli shalay uu sheegay madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe in maalamaha soo socda la dar-dargalin doono dagaallada lagula jiro kooxda Al-Shabaab.


