Ciidamada Ammaanka dowladda Soomaaliya ayaa maanta Qarax ku qabtay Magaalada Baardheere ee gobolka Gedo.
Qaraxaan ayaa ahaa mid lagu soo dhex riday caag jirigaan ah ka dibna lasoo dhigay Suuq ku yaalla Magaalada Baardheere.
Qaraxa waxaa la dhigay goob aad u mashquul badan , sida ay Risaala u sheegeen Saraakiisha Ciidamada Ammaanka dowladda Soomaaliya.
Sarkaal lagu magacaabo Timajilic oo ka mid ah Saraakiisha Ciidamada dowladda Soomaaliya ee gobolka Gedo ayaa Risaala u sheegay in Al-Shabaab Qaraxaasi ay meesha geliyeen , islamarkaana ay doonaayay in ay dadka Shacabka ah ku dhibaateeyaan.


