Sh/Hoose-RisaalaFM- Wararka inaga soo gaaraya deegaanka Tooratoorow ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa maanta waxa ay sheegayaan in ciidamada dowladda Soomaaliya ay halkaasi ka wadaan dhaq dhaqaaq ciidan.
Saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku sugan gobolka Shabeelaha Hoose ayaa Idaacadda Risaala usheegay in dhaq dhaqaaqyo ciidan ay maanta ka jiran guud ahaan gobolka gaar ahaan deegaanka Tooratoorow.
Gudoomiyihii hore ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa warbaahinta usheegay in deegaanka Tooratoorow ay Al-shabaab shacabka ku dhibaateyn jireen balse hada ciidamada dowladda ay gacanta ku hayaan deegaankaasi.
Gudoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in Shabaab deegaano badan oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose ay gacanta ku hayaan ,islamarkaan aan loo baahneyn weeraro gaadmo oo ay qaadan ciidamo Maraynka ,lakiin loo baahanyahay in weerar toos ah lagu qaado Shabaab.
Waxa uu sheegay in dadka kunool gobolka Shabeelaha Hoose shabaab ay dhibaato badan ku hayaan ,loona baahanyahay in dadkaas la gaarsiiyo dawooyin maadaam cuduro kala duwan ka dilaaceen Shabeelaha Hoose.
Ilo madax banaan ayaa sheegaya in Shabaabkii ka baxay deegaanka Tooratoorow ay hada ku sugan yihiin duleedka deegaanka, iyadoo Al-shabaab ay in muddo ah joogeen deegaanka Tooratoorow.
Maalmihii la soo dhaafay ayaa cidanka dowladda Soomaaliya iyo kuwa Mareykan ah waxay howlgal ka fuliyeen deegaano dhowr oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose.


