Sh/Dhexe-RisaalaFM- Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle Cali C/laahi Xuseen (Cali Guudlaawe) iyo wafdi uu hoggaaminayp ayaa maalinta berri ah waxaa lagu wadaa in ay gaaraan Degaanka Xawaadley oo ka tirsan Shabeelaha Dhexe, halkaasi oo ay ka taagan tahay xiisad Dagaal.
Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle iyo wafidgiisa ayaa ujeedkooda waxa uu yahay sidii ay u xalin lahaayeen, nabadna loo kala dhexdhigi lahaa beelaha halkaasi ku dagaalamay.
Sheekh Axmed Ibraahim (Fiidow) oo qeyb ka ah wafdiga Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle ee ku wajahan Degaanka Xawaadley oo la hadlay Risaala ayaa sheegay in ay rajeynayaan in la dhameeyo colaada Xawaadley ka taagan.
Degaanka Xawaadley oo ka tirsan Shabeelaha Dhexe ayaa dhowaan waxaa ka dhacay Dagaal beeleedyo, geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac, sidoo kale waxaa dab la qabadsiiyay Tuulo halkaasi ku taalla.


